Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo furay Kalfadhiga 5-aad ee Golaha Wakiiladda Jubbaland kana hadlay arrimo dhowr ah

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Kalfadhiga 5-aad ee golaha wakiilada Jubaland, kaddib fasax ay muddo ku maqnaayeen golaha.

Axmed Madoobe oo khudbad ka jeediyay furitaanka ayaa tilmaamay muhiimada uu kalfadhigan u leeyahay Jubaland iyo mudanayaasha golaha wakiilada oo ay horyaalan sharciyo ahmiyad weyn leh oo ay tahay in laga shaqeeyo Inta uu kalfadhigan socdo.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay mudanayaasha golaha wakiiladda shaqada adag ee ay bulshada u hayaan iyagoo xooga saaraya ka mira dhalinta himilooyinka shacabka reer Jubaland.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu ka hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan fatahaadaha iyo daadadka ka jira Jubaland, isagoo xusay in dad farabadan ay ku barakaceen fatahaadaha, burbur xoog lehna uu soo gaaray kaabayaasha bulshada.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa Dowlada Federaalka ah ku bogaadiyay guulaha ay ka gaartay in dalkeenna laga qaado cunaqabataynta hubka iyo ku biirista ururka bulshada bariga Afrika.

Waxaa kale oo uu Madaxweynahu ka hadlay dhamaystirka dastuurka Federaalka ah isagoo xusay in ahmiyad weyn ay leedahay in laga gudbo dastuurka qabyada ah isla markana go’aamada ay gaareen madasha wadatashiga ay rajo weyn ka qabaan in labada aqal ee Baarlamaanka ay meel mariyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Shirka Wadatashiga Dowlada iyo Maamul goboleedyada oo furmay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xildhibaanada Gedo lagu soo doortay oo Jahwareer ku haya Shaqada Baarlamaanka iyo Guddoonka oo…

Cabdi Cade