Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo xirtay goobo ganacsi oo kuyaalla Muqdisho oo diiday ammar kasoo baxay

Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay goobaha ganacsi ee kuyaalla suuqyada magaalada Muqdisho iyo laamiyada waa weyn in ay xirtaan kaamirooyinka sida qarsoodiga ah wax u duuba ee loo yaqaan CCTV.

Ammarka dowladda Soomaaliya waxaa fuliyay ganacsato badan oo xirtay kaamirooyinka CCTV, halka sidoo kale jiraan ganacsato kale oo wali cabsi kaga imaaneysa Al Shabaab owgeed u xiran waayay kaamirooyinka.

Ciidanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Nabad sugida ayaa bilaabay in ay xiraan goobaha ganacsi ee fulin waayay ammarka dowladda, waxa ay sidoo kale ciidamada xireen qaar kamid ah milkiilayaasha goobahaasi ganacsi.

Ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa wajahaya caqabad xooggan oo kaga imaaneysa dhinaca dowladda iyo Al Shabaab, dowladda ayaana ku amartay ganacsatada in ay xirtaan kaamirooyinka halka Al Shabaab ganacsatada uga digtay in ay xirtaan kaamirooyinkaasi.

Goobo ganacsi oo dhowr ah  kuna yaalla magaalada Muqdisho ayaa Al Shabaab qarxiyeen, kaddib markii ganacsatada goobahaasi iska leh ay fuliyeen ammarka dowladda ee ahaa in ay xirtaan kaamirooyinka CCTV.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqa Muqdisho oo joojiyay Lacago ay gobolka ka qaadan jiriin Saaxiibada Farmaajo !

Cabdi Cade

Arday si xun loogu ciqaabay in uu cunay Jabaati iyo carro xoogan oo ka dhalatay

Cabdi Cade

Guddoomiyaha golaha Shacabka oo ka hadlay Qaraxii lagu dilay Wasiir Lugbuur

Cabdi Cade