Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo labo arrin oo muhiim ah kala hadashay Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda  Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta kulan la qaatay Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna u qeybsamaha isku-duwidda howlaha Bani’aadannimo Mudane George Conway.

Kulanka oo ay isugu yimaadeen mas’uuliyiinta ayaa diiradda lagu saaray hannaanka deyn cafinta iyo sidii loo yareyn lahaa dhibaatooyinka ka dhashay fatahaadaha oo sannadkaan saameyn xoogan ku yeesha bulshada ku dhaqan gobolada qaar ee dalka.

George Conway ayaa u ballan-qaaday wasiirka maaliyadda in Qaramada Midoobay intii karaankeeda ah gacan ka geesan doonto hannaanka deyn cafinta Soomaaliya iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhasha fatahaadyada.

Dowladda Soomaaliya ayaa rejo weyn ka qabta in laga cafiyo lacagaha deynta ah ee lagu leeyahay Soomaaliya, taa oo haddii ay dhacdo dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh u noqon doonto guul kale oo weyn .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia oo War-Saxaafadeed soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali

Haweeney Dhibaato gaarsiisay Xildhibaanad katirsan golaha shacabka oo la xiray (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo:-Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo ka dooday qodobo xasaasi ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---