Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo eedeymo kulul u jeedisay Mucaaradka madaxweyne Deni diidan

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Juxaa oo madax u ah guddi madaxweyne Deni u magacaabay wada-xaajoodka Arrimaha doorashada ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta mucaaradka in aysan diyaar u aheyn wadahadal xal raadin ah.

Waxa uu sheegay wasiirka siyaasiyiinta mucaaradka diidan yihiin in ay soo fadhiistaan miiska wadahadalka, waxa uuna xusay in aysan diyaar u aheyn in ay mucaaradka galaan wadahadal xal loogu raadinayo doorashada lagu muran sanyahay.

“Madasha Mucaaridku way ka caga-jiidday in ay nala fariisato, waana diideen in ay nala xaajoodaan, waxaana muuqata in aysan wada-hadal diyaar u ahayn. Annagu xalka waxan u arkaynay dee in la wada-hadlo, haddaan la wada-hadalna xal ma imaan karo. Haddana waxaan weli ku baaqaynaa in la wada-hadlo oo miiska la isugu timaado” ayuu yiri Wasiir Juxa.

Siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda doorashada qof iyo cod uu damacsan yahay madaxweyne Deni in uu hirgaliyo ayaan ka jawaabin eedeynta uga timid wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo ku aadan in aysan wadahadal diyaar u aheyn mucaaradka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Isbitalka Guled oo bukaankii u horeeyey u sameeyey qalliinka lagu furo xididada Wadnaha (Sawirro+Video)

Caydiid Ali

(Daawo) Heshiisyadiii taariikhda galay iyo dhaqan galkii heshiisyadii nabadeed ee Soomaaliya !!

admin

Madaxweyne Uhuru oo mar kale si adag uga hadlay Xukunkii ICJ Digniina soo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---