Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Machadka SORDI oo soo bandhigay Cilmi baarisyo la xiriira Caafimaadka Hooyada & dhallaanka

Machadka Cilmi-baarista iyo horumarinta Soomaaliyeed ee (SORDI) ayaa ku soo bandhigay magaalada Muqdisho Cilmi baarisyo la xiriira Caafimaadka hooyada iyo dhallaanka dalkeena iyo sida ugu haboon ee wax looga qaban karo.

Munaasabadda lagu soo bandhigayey Cilmi baarisyadan ayaa waxaa ka qayb galay Xildhibaano ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya, khubaro caalami ah, Wakiilo ka socday Wasaaradaha Caafimaadka dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah, Dhaqaatiir, aqoonyahano kala duwan iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha Guud ee Machadka Cilmi-baarista iyo Horumarinta Soomaaliyeed ee (SORDI) Prof. Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay in Clmi baarisyadan oo socday muddo labo sano ah ay iska kaashadeen Machadka SORDI oo gacan ka helaya ha’yadda kaalmada dibeda ee Britain (UK Aid), hay’adda International Rescue Committee (IRC) iyo Jaamacadda Johns Hopkins ee Maraykanka.

“Waxaan maanta ku faraxsannahay inaan soo bandhigno xog ku saabsan qeybihii ugu horeeyey cilmi baaris aan soo wadnay muddo labo sano ah, taasoo taabaneysa Caafimaadka hooyada iyo dhallaanka yar yar ee Soomaaliyeed oo muhimad gaar ah inoo leh, maadaama dalkeena uu ka mid yahay dalalka soo koraya ee dhalidda ay ka mid tahay waxyaabaha ugu culus, waxaan ognahay in 600 oo hooyo ay dhintaan marka 100 kun oo hooyo wax dhalayaan, taasoo ka mid ah tirooyinka ugu badan ee aduunyada ka jira, sidoo kale 35 caruur ah ayaa dhimata kunkii caruur ah ee dhasha intaysan gaarin muddo sanad ah” ayuu yiri Dr. Dalmar oo intaas ku daray in dhibaatooyinkaas ay sabab u yihiin arrimo badan oo laga xusi karo in wax ka yar 30% hooyooyinka umulaya ay dhaliyaan dad aqoon u leh Caafimaadka halka 22% kaliyana ay heli karaan adeegyada aasaasiga ah ee Caafimaadka.

Prof. Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in caqabadaha farah badan ee ka jira dalkeenna oo ay ka mid yihiin amniga, saameynta isbedelka cimilada, nafaqo darrada, cudurrada iyo xaaladaha adag ee nolosha ay qeyb ka yihiin sababaha keenay dhimashada badan ee haweenka umulaya iyo carruurta.

“Mashruucan aan soo bandhigayno maanta oo lagu magacaabo (EQUAL) wuxuu ka socdaa aduunyada oo dhan, iyadoo qorshuhu yahay in laga shaqeeyo muddo shan sano ah, ujeedada laga leeyahay waxay tahay inuu soo saaro xog cilmiyeysan iyo aqoon lagu saleeyo go’aanada iyo siyaasadaha loo dejinaayo wax ka qabashada dhibaatooyinka Caafimaad ee heysta hooyada iyo dhallaanka gaar ahaan dalalka Somalia, South Sudan, Nigeria iyo DR Congo” ayuu yiri Prof. Dalmar oo dhinaca kale u mahad celiyey dowladaha iyo hay’adaha gacanta ka geysanaya fulinta mashruucan.

Waxaa uu xusay in waxyaabaha lagu daraasaynayo Cilmi baaristan ay qeyb ka tahay sidii loo heli lahaa tiro 20 kun ka badan oo ah umulisooyin xirfaddoodu sarrayso, caqabadaha hor taagan howlgelintooda iyo iwm, si hoos loogu dhigo dhimashada faraha badan ee hooyooyinka Soomaaliyeed ee umulaya.

Agaasimaha Guud ee Machadka Cilmi-baarista iyo Horumarinta Soomaaliyeed ee (SORDI) Prof. Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa sidoo kale xusay  iney dhowaan billaabeen daraasad qayb ka ah mashruucan oo tijaabo ka qaadeysa in bulshada dhexdeeda laga sameyn karo daryeel Caafimaad oo looga hortagayo dhimashada hooyada iyo dhalaanka taasoo noqoneysa markii ugu horeysay ee Soomaliya laga sameeyo.

Waxaa Gabagebadii Munaasabadaas ka hadlay Senator Prof. Cusmaan Max’uud Dufle oo ah Guddoomiyaha Guddiga adeega bulshada ee Aqalka sare oo soo dhoweeyey Cilmi baaristan oo uu sheegay iney ku soo aadday xilli aad loogu baahnaa oo ay dalka ka jiraan dhibaatooyin Caafimaad oo haysta hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed.

“Dalkeenna waxaa ka jiray tan iyo markii uu bilowday burburka 33 sano ka hor, dhibaatooyin badan oo dabiici ah iyo kuwo aan dabiici aheyn sida, dagaalo, abaaro, Fatahaado, cudurrada faafa iwm. kuwaasoo u baahan in diiradda lagu saaro cilmi baaris noocan ah oo haddii aan la helin ay adkaan doonto in xal waara loo helo,   Cilmi baaristan maanta la soo bandhigayna waxay daaha ka qaadday dhibaatooyinka Caafimaad ee heysta hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed iyo sida ugu haboon ee loola tacaali karo” ayuu yiri Prof, Dufle.

Senatorka ayaa u mahad celiyey, kuna bogaadiyey Prof.Dr C/risaaq Axmed Dalmar iyo machadka uu agaasimaha ka yahay ee SORDI iyo dhammaan hay’adaha kale ee gacanta ka geystay diyaarinta Cilmi baaristan oo uu xusay iney tahay mid qiimo badan oo mustaqbalka fure u noqon karta wax ka qabashada Caafimaadka hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo hadallo ka jeediyay musaabadda Dr. Ubah Faarax oo ah la taliyaha caafimaadka qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka, Mudane Cabdirisaaq Axmed, ku-xigeenka madaxa hawlgalinta ee hay’adda IRC iyo Dr. Caroline Mwangi oo ah la taliyaha Caafimaadka ee safaaradda UK ee Soomaaliya oo dhammantood hambalyeeyay cilmi-baarisyada ay wadda SORDI.

Munaasabadan oo ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa intii ay socotay ka qeyb galayaashu ay isku dhaafsadeen doodo iyo fikrado wax ku ool ah oo la xiriira sida ugu haboon ee loo yareyn karo xaaladaha Caafimaad ee la soo dersa hooyada iyo dhallaanka iyo sidii meesha looga saari lahaa caqabadaha ku hor gudban gaarida Yoolkaas la hiigsanayo.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Tareenka ugu dheer Adduunka oo 175 jirsaday iyo Waxyaabaha uu dadka kusoo jiitay!

Cabdi Cade

Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Diblomaasiyad Hufan: Ma Dabaqaban Doontaa Xidhiidhka Soomaaliya iyo Mareykanka ?

Cabdi Cade