Iyadoo iska horimaadka Israa’iil iyo Xamaas ay sii socdaan , waxaa jira walaac isa soo taraya oo ku saabsan khatarta cudurro halis ah oo ka dilaaca magaalada Gaza.
Waxaa jiri kara dhimasho badan oo Gaza ka soo gaarta cudurrada iyo kaabayaasha caafimaadka ee meesha ka baxay marka loo eego bambooyinka iyo gantaalaha sida uu sheegay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) oo ka digay.
“Ugu dambeyntii, waxaan arki doonaa dad badan oo u dhimanaya cuduro marka loo eego duqeynta haddii aanan awoodin inaan dib u soo celinno nidaamka caafimaadka oo aan bixinno aasaaska nolosha sida cunto, biyo, daawo iyo dabcan shidaal la siiyo Isbitaallada,” ayay tiri afhayeenka WHO Margaret Harris.
Dagaallada intooda badan, dad badan ayaa ku bukoodaa kuwaasoo qaarkood u dhinta saameynta caafimaad ee aan tooska ahayn ee iska horimaadka marka loo eego saameynta tooska ah ee bambooyinka, rasaasta iyo hubka kale, ayuu yiri Dr. Barry Levy, oo ah Profasor ku-xigeenka Jaamacadda Tufts ee Caafimaadka
Saamayntan dadban waxaa inta badan sababa burburka kaabayaasha rayidka, kuwaasoo bixiya cunto, biyo, hoy iyo daryeel caafimaad, iyo sidoo kale barokac qasab ah.
Saamaynta aan tooska ahayn ee caafimaadka waxaa ka mid ah xaaladaha cudurrada faafa ee caloosha iyo mindhicirka sida daacuunka, oo ay ugu wacan tahay helitaanka biyo nadiif ah oo yaraaday, iyo xanuunnada neefsashada ee la kala qaado sida jadeecada, qaaxada iyo Covid-19, qayb ahaan waxaa sabab u ah xaaladaha nololeed ee ciriiriga ah. Hoos u dhigista adeegyada caafimaadka dadweynaha, sida tallaalada iyo tallaabooyinka lagu xakameynayo cudurrada dillaaca, iyo sidoo kale nafaqo-xumada sii kordheysa ayaa sidoo kale gacan ka geysan karta dhacdooyinka iyo darnaanta cudurrada faafa.