Allbanaadir.com
NEWS

Amiirka dalka Qatar warqadaha aqoonsiga ka gudoomay danjire Doodishe (Sawirro)

Amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad Al ThaniĀ  ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee Soomaaliya u magacowday dalka Qatar Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe).

Danjiraha iyo Amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab.

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dhawaan Danjiraha cusub ee Soomaaliya ee dalka Qatar u magacaabay Dr. Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) oo ahaa Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya.

Fadhi ay yeesheen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya 23kii November 2023-ka ayaa sagootin waxa ay u sameeyeen Wasiir Doodisho oo xilligaas qeyb ka noqday shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada.

Related posts

Xariga Wasiir Janan oo la sheegay in ay ka dhalan karto Cawaaqib xumo

Cabdi Cade

Wafdi ka socda Wasaarada Difaaca dalka Qadar oo soo gaaray Muqdisho

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo maanta booqday ciidamada Somaliland ee jooga Tukaraq (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---