Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa lagu soo waramayaa in gantaalo ku dhufatay guri kuyaalla magaalada Jilib oo la tuhmayo in ay joogeen xubno sar sare oo katirsan kooxda Al Shabaab.
Sida aan wararka ku heleyno labo gantaal oo laga tuuray diyaarada ayaa lagu dhuftay xalay guri ku yaala magaalada abaare sideedii fiidnimo, waxaana lasoo sheegayaa in duqeyntan khasaaro ka dhashay.
Dadka deegaanka ayaa ku waramay in ay maqleen jugta gantaalo lagu dhuftay guriga kuyaalla magaalada Jilib, waxa ayna sheegeen dadka deegaanka in aysan ogaan karin khasaaraha ka dhashay duqeynta dhacday.
Ma jiro ilaa hadda faah faahino dheeraad ah oo laga helay duqeyntan xalay ka dhacday magaalada Jilib iyo khasaaraha ka dhashay, mana jiro wax war ah oo dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka oo lagu tuhmayo duqeyntan ay soo saareen.
 Al-Shabaab ayaa sheegtay in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo Maraykanka laga leeyahay ay gantaal ku dhufatay guri dad rayid ah dagan yihiin, halkaasna ay ku dhaawacmeen labo qof oo rayida oo midkood ay ahayd gabadh yar oo 11 jir ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com