Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo huwan ah oo howlgal lagu dilay xubno katirsan Al Shabaab ka fuliyay Ceeldheer

Ciidamo katirsan dadka deegaanka Ceeldheer oo gacan ka helayay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo gacanta ku hayaan kooxda Al Shabaab.

Taliyaha ciidanka deegaanka Cabdulle Maxamuud Barre oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howlgalka ay ka fuliyeen degmada Ceeldheer ku dileen ku dhawaad 10-dagaallame oo katirsan Al Shabaab tiro kalana ku dhaawaceen.

Waxa uu sheegay taliyaha in ciidamada beegsadeen goob ay xubnahan katirsan Al Shabaab dad shacab ah ku dhibaateenayeen, waxa uuna xusay in howlgalka lagu dhaawacay sargaalkii Al Shabaab u qaabilsanaa Ceeldheer oo lagu magacaabayay Siciid Daa’uud.

Ciidanka dadka deegaanka oo horey howlgalkan kan lamid ah uga fuliyay degmada Ceeldheer ayey kusoo qabteen sargaal kooxda Al Shabaab u qaabilsanaa aruurinta xoolaha laga qaado dadka deegaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamse Barre oo shaaciyey arrin ay Xukuumadiisu ahmiyad weyn siinayso

Caydiid Ali

Akhriso: Qaar ka mid ah qisooyinka guusha ee dadka uu u gefey Trump (Daawo Sawirro)

admin

Iibka hilibka xoolaha oo laga mamnuucay magaalada Kampala iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---