Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Somaliland oo gacanta ku dhigay rag dil argagax lahaa ka geestay Hargeysa

Ciidamada booliiska maamulka Somaliland ayaa ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan labo nin oo burcad ahaa, kuwaa oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dil nin darawal ahaa loogu geestay magaalada Hargeysa.

War kasoo baxay booliiska maamulka Somaliland ayaa lagu shaaciyay in dabagal iyo baaris dheer kaddib gacanta kusoo dhigeen labo nin oo dil aad looga argagaxay u geestay Maxamuud Xasan Dacar oo 46-sanno jir ahaa.

Ninkan la dilay oo ahaa darawal taksi ayaa la sheegay in burcada ku dhufteen 9-midiyood, waxa ayna dilka kaddib marxuumka ka qaateen moobeel iyo agabyo kale uu watay sida booliiska sheegeen.

Booliiska ayaana kiiskan dilka ah usoo xiray Xamse Cabdi Saleebaan iyo Ayaanle Muxumed Xaashi, raggan ayaa sidoo kale lagu helay in dad kale horey dhaawacyo iyo dhibaatooyin kalaba ugu geesteen.

Taliska booliisa Somaliland ayaa sheegay in raggan gacan ku dhiiglayaasha ah si deg deg ah sharciga loo horgeyn doono si loogu qaado ciqaabta dambiga ay galeen, waxa ayna taksiilayaasha uga digeen in ay iska hubiyaan dadka ay qaadayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska Soomaaliya oo war ka soo saaray weerarkii Hotelka SYL iyo Khasaaraha ka dhashay

Caydiid Ali

Wasiirada cusub ee maamulka Puntland oo maanta la dhaariyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Faahfaahin: Dagaalo maanta ka dhacay duleedka Magaalada Boosaaso

Caydiid Ali
Taboola Ads ---