Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dad ka badan 700 oo lagu xasuuqay Gaza 24kii saac ee la soo dhaafay

Ciidamada Yuhuuda ayaa 24kii saac ee la soo dhaafay ku dilay duqeymaha ay ka wadaan magaalada Gaza dad ka badan 700 oo qof halka in ka badan 100 qofna ay ku dhaawaceen.

Dagaalyahanada Falastiiniyiinta ayaa sheegay in ciidamada Yuhuuda ay xoojiyeen duqeymaha ka dib markii ay hal goob kaga dileen 60 askari kuwaasoo ay ku qarxiyeen miinooyin loogu diyaariyey goob ay tageen.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in 15,523 qof ay ku dhinteen Marinka Gaza tan iyo markii uu billowday dagaalka ay kula jiraan Israa’iil 7dii Oktoobar.

70% Falastiiniyiinta lagu dilay dagaalka waa haween iyo carruur sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Ashraf al-Qudra, isagoo intaa ku daray in 41,316 qof ay ku dhaawacmeen.

“maanta oo kaliya 316 ayaa dhintay 664 dhaawac ahna waxa laga soo saaray burburka waxaana la geeyey isbitaallada, laakiin qaar kale oo badan ayaa weli ku hoos jira burburka,” ayuu yiri al-Qudra.

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa dalbaday in baaritaan lagu sameeyo dambiyada Israa’iil

Qatar waxay dalbanaysaa “baaritaan caalami ah oo degdeg ah, dhamaystiran oo dhexdhexaad ah” oo lagu sameeyo waxa ra’iisul wasaaraheeda ku tilmaamay dambiyada Israel ee Gaza.

Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa sidoo kale sheegay in Qatar ay sii wadi doonto dadaalkeeda ku aadan fududeynta heshiis kale iyo in xabad joojin joogto ah la gaaro.

Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa marar badan beesha caalamka ugu baaqay in Israel laga xakameeyo dagaalka Gaza. Waxa uu sidoo kale ka digay in colaadaasi ay tahay mid gobolka halis ku ah.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa isna sheegay in Israa’iil ay waddo dadaal si ay u yareyso dhimashada rayidka ee Gaza iyadoo uu sii kordhayo walaaca caalamiga ah ee laga qabo tirada dhimashada sare u kacday ee dagaalka dib u bilowday ee Xamaas.

“Waxaan aaminsanahay inay aqbaleen fariimahayaga ku aadan in la yareeyo khasaaraha rayidka,” ayuu yiri afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Maraykanka John Kirby.

 

Related posts

DEG DEG: Xildhibaan goor dhow toogasho lagu dilay iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Sacuudiga oo looga digay in ay ku khamaarto dagaal ay la gasho dowlada Iran

Cabdi Cade

(Sawirro) Shiikh Aadan Madoobe oo hal arrin uga mahad u celiyey dowlada Pakistan

Caydiid Ali