Xuutiyiinta Yemen ayaa bartilmaameedsaday labo markab oo Israel laga leeyahay oo marayay Badda Cas
Dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen ayaa beegsaday laba markab oo Israel laga leeyahay iyagoo ku weeraray diyaarad aan duuliye lahayn iyo gantaalo, sida uu sheegay afhayeen u hadlay militariga kooxda.
Labada markab oo lagu kala magacaabo Unity Explorer iyo Number 9 ayaa la weeraray kadib markii ay diideen digniino uga yimid ciidamada badda ee Xuutiyiinta, sida uu sheegay.
Pentagon-ka ayaa horay u sheegay in mid ka mid ah maraakiibtooda dagaalka ee ku sugan badda cas sidoo kale la beegsaday.
Weerarkan ayaa waxaa uu calaamad u yahay koror weyn oo ku yimid weeraro xiriir ah oo dhanka badda ah oo ka dhacay Bariga Dhexe kuwaasoo lala xiriirinayo dagaalka Israel iyo Xamaas.
Xuutiyiinta Yemen ayaa heysa markab laga leeyahay Israiil oo ay qabsadeen todobaadyo ka hor, iyagoo fulinaya hanjabaadoodii aheyd iney beegsan doonaan maraakiibta Israel ee maraya badda Cas.