Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Dowlad goboleed Wasiiradiisa ka mamnuucay iney booqdaan Magaalada Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ayaa faahfaahin ka bixiyay sababtii loo joojiyay kulan xalay Magaalada Garowe uu ku qabsan lahaa Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya.

Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in arrintaas ay la xiriirto dhaqan gelinta go’aankii Madaxda Maamul goboleedyadda ay xiriirka ugu jareen dowlada federaalka.

Qarjab ayaa sheegay in Wasiirada Puntland aysan tagi karin Magaalada Muqdisho, isla markaana aysan la shiri karin Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya inta xal laga gaarayo khilaafka taagan.

Dowlad goboleedyada ka jira dalka ayaa dhowaan shaaciyey iney xiriirka u jareen dowlada federaalka Somalia ka dib shir ugu dhamaaday magaalada Kismaayo, iyagoo arrimo badan ka tirsanaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaali ku xir-xiran dal Afrika ku yaal oo xabsi ka door biday in dalkooda loo soo celiyo

Caydiid Ali

Madaxweyne Guudlaawe iyo Masuuliyiin kale oo safar dhulka ah ku gaaray gobolka Hiiraan (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo: Maxaa kaaga baxay Qaabka ay u dhacday dhageysiga dacwadda Badda?

admin
Taboola Ads ---