Xerada Qaxootiga Jabalia ee ku taalla magaalada Gaza ayaa mar kale lala beegsaday duqeyn ay geysteen ciidamada Israel.
Muuqaalo laga soo duubay goobta ayaa muujinaya burbur xoogan iyo dad qaadaya meydadka iyo dhaawaca ka dhashay weerarkaas.
Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaas, waxaana la qiyaasayaa dhimasho iyo dhaawac badan iney jiraan.
Israel ayaa todobaadyo ka hor duqeysay dhowr jeer xeradan waxaana ku dhintay boqolaal qof oo haween iyo caruur, halka boqolaal kalena ay dhaawacmeen.
Dhinaca kale, Dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa ugu baaqay Israa’iil iyo Xamaas inay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah, isagoo sheegay in xafiiskiisu uu sare u qaadi doono baaritaannada dambiyada dagaal ee suurtagalka ah.
“Dhammaan Dhinacyadu waa inay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada. Haddii aadan sidaas yeelin, ha caban marka xafiiskayga laga rabo inuu wax kaa qabto,” ayuu yiri dacwad oogaha Karim Khan, isagoo hadlayay ka dib booqasho afar maalmood ah oo uu ku tagay Israa’iil iyo Daanta Galbeed ee la haysto.
Khan ayaa sidoo kale ku adkaystay in gargaarka bini’aadantinimo ay tahay in si degdeg ah loo galiyo degaanka go’doonsan si waafaqsan sharciga caalamiga ah.
Ka dib markii uu qarxay dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, Khan wuxuu sheegay in maxkamaddiisu ay awood u leedahay dembiyada dagaal ee suurtagalka ah ee laga fuliyo Israa’iil iyo marinka Qaza.
Maxkamada ICC ayaa tan iyo sanadkii 2021-kii halkaasi ka waday baaritaano ku aadan dambiyada dagaal iyo kuwa ka dhanka ah bini’aadanimada.