Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saciid Ciise: “Qaadista xayiraada hubka waxay ka dhigan tahay Somalia oo mar kale..

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xassan Sheekh Maxamud ayey Sharaf iyo amaanba u soo hoyatey kadib marka uu Soomaaliya ka qaaday Maxmiyada UNka ay Soomaaliya hoos ugu dhigtay madaxbanaanida Qaranimada Soomaaliyeed, taas oo furaheedu ahaa qaadista xayiraada hubka saarnaa Soomaaliya mudada dheer oo ka badneyd rubac qarni.

Waxaa Soomaaliya laga qaaday cunoqabateynta hubka oo horseedey in dowladda Soomaaliya ay gobonimadeeda si dadban u weysey mudo 32 sano ah, waxeyna qaadista cunoqabateyntaas la macno tahay in Soomaaliya ay mar labaad dib u heshay gobonimadeeda oo aysan hadda kadib saareyn caqabado ku gudboon difaacida qarankeeda.

Dad aan yareyn oo ah wadaniyiin Soomaaliyeed oo aan meel fog wax ka arkin ayaa wuxuu damaca dareenkoodu siiyey in wax kasta oo maslaxada oo dalka u wanaagsan ay mucaaradaan haddii aysan ahayn mid ku timid gacmahooda iyo taladooda ama hiiladooda, waxeyna taas la mid tahay kuwii dib u dhista la doonayey gobonimada Soomaaliya 1960kii.

Astaanta ugu weyn oo ay leedahay ummadd madaxbanaan ayaa waxey tahay iney gobonimo iyo xoriyad ay rabitaankooda ku meel marsan karaan, waxaana jaceylka gobonimada loo qabo astaan weyn u ah in helideeda dhiiga wadaniyiinta loo daadiyo oo haddana marka ay rumowdo loo baahan yahay sidii hore si ka xoog badan in si muqadasa loo difaaci karo jiritaankeeda.

Siyaasadaha Gudaha iyo kuwa dibedda ayaa waxaa ka mida meelaha ay sida xoogan isaga galaan difaaca qaranka iyo sugida amniga oo u baahan isku filnaashaha uu dalku ku sameysan karo hubka, saanada, qalabka difaaca iyo sugida amniga oo iskaashi buuxa lagala yeesho wadamada ku horeya farsamooyinka tumida hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dalku markii uu yahay dimoqaraadi oo uu ismaamulkiisu ku dhisan yahay xukunka rayidka ayaa waxaa looga baahan yahay dowladeeda iney sameynta qalabka iyo hubka difaaca ay u wakiilato shirkado si gaara loo leeyahay oo wadanka laga leeyahay, kuwaas oo ay dowladdu damaanaqaad buuxda ku leedahay oo ruqsadeeda keliya ay hubka dowladeeda keliya uga gadi karaan.

Waxey jamhuuriyada ay dowladeedu si gaara uga qeyb qaadaneysaa maalgelinta shirkadaha soosaaraya qalabka mileteri ama amni ee lagu difaacayo dalka oo damaanad qaadkeeda ay ku keeneyso wada shaqeyn ay kala yeelato shirkadaha hubka sameeya ee wadamada saaxiibtinimada hubka ay horay ugala dhexeysey sida Jarmalka, Ruushka, Ukraine ama Turkey.

Soomaaliya waxaa looga baahan yahay iney ka fogaato in farsamooyinka hubka ay kala macaamisho Shiinaha oo deyntiisu ay aad u falkineyso dabinka lagu ridi lahaa gobonimada iyo madaxbanaanida ismaamulka dowladnimada Soomaaliyeed, taas oo deynta bedelkeeda ay ku dalbaneyso iney qeybo ka mida dalka ay Shiinuhu la wareegaan maamulidooda.

Waxaa sidoo kale looga digayaa dowladda Soomaaliya ineysan marna ku qaldamin cilaqaad hub oo ay farsamadiisa ka soo iibsato wadamada reer Galbeedka oo hadafkooda ugu weyn uu yahay inuusan dalkaagu marnaba si buuxda u gaarin qaranimo aad isku difaacdo oo aad faragelinta danahooda aaad uga maarantid si madaxbanaano.

Carab wanaageeda waa danaha ay la leedahay isra’il iyo reer Galbeedka, wixii intaas ka soo harana waxey kula dhaqmaan siyaasado dalaalnimo oo ku dhisan gumeysi aysan u madaxbanaaneyn, balse dusha sare Carabnimo iyo Islaanimo looga qurxiyey, taas oo hiilada waxtarkooda aad eedeysid maalinta adag oo aad sida xooggan aad ugu soo baahatid waxqabadkooda.

Waxaa jira wadamo badan oo siyaasadahoodu ay ku dhisan yihiin dhexdhexaadnimo, kuwaas oo ku kala yaala koofurta America sida, Cuba iyo Venezuela ama Aasiya sida, Bakistan iyo India ama Afrika sida, South Africa, waxaana wadamada dhexdhexaadka ah aysan shuruudo ku xirneyn isticmaalka hubkooda iyo farsamooyinkooda qalabka difaaca iyo kuwa amniga.

Gobonimada Soomaaliya ayaa si kalsooni weyn leh waxey ugu xoogeysaneysa si aad u sareysa marka ay u suurtowdo in dalka gudihiisa lagu farsameeyo hubka iyo qalabka difaaaca sida, maraakiibta iyo doonyaha dagaalka iyo hubka fudud nuucyadiisa kala duwan, iyo gaadiidka qafilan iyo kuwa xambaara hubka miisaanka culus.

Waxaa si aad u qadarin weyn hambalyo u mudan intii ka soo shaqeysay qaadisa cunaqabateynta hubka saarnayd Soomaaliya mudo dhan 32 sano, taas oo dadaaladoodu ay soo tixnaayeen sanooyinkii dambe, kuna soo dhamaatay guusha ay libinttedu u soo hoyatey Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xassan Sheekh Maxamud oo ugu dambeysta dalkii gaarsiiyey himiladaas.

Macno weyn ma yeelaneyso xayiraada hubka laga qaaday Soomaaliya haddiiba ay ku sii soconeyso sideedii hore oo ahayd iney Bari iyo Galbeed ay hubka ugu tiisanayd siyaasad ku dhisan xifaaltanka ka dhexeeya quwadaha waaweyn oo hadba ay isku tiiriso quwada ay markaas u aragato iney ka heleyso danqasho caadifadeysan oo kmg ah, waxaana lagama maarmaan ah in la helo qorshooyin istratejiyadeed oo fogaan araga, qorshooyinkaas oo lagu diirogelinayo madaxbanaanida difaaca qaranka iyo sugida amniga dalka.


Dr. Saciid Ciise Maxamud 
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka 
Saciidciise258@aol.com

Related posts

Daawo:- Gudoomiye Cumar Finish oo khudbad aad loola yaabay ka horjeediyay Madax hor fadhisay !!

admin

Madaxweyne Jacques Joaquim Yhombi oo u geeriyooday cudurka Coronavirus

Caydiid Ali

Sweden oo ku qasban fulinta shuruud adag oo Turkigu xiray iney ku biirto NATO

Caydiid Ali
Taboola Ads ---