Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Dowladda oo qabtay nin waday qarax goob ganacsi lagu dhajiyay

Ciidamada ammaanka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay nin waday mooto bajaaj la sheegay in lagu keenay qarax nuuca miinada dhajiska ah oo lagu dhejiyay goob ganacsi oo kutaalla Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada ammaanka qabteen ninkan qaraxa dhajiska waday iyo mootadiisa, waxa uuna intaa ku daray in ay socdaan howlgalo lagu raadinayo xubno kale oo ninkan la shaqeenayay.

Waxa uu ugu baaqay afhayeenka  ganacsatada magaalada Muqdisho in ay u hoggaansanaan ammarka dowladda ayna xirtaan kaamirooyinka, waxa uu sidoo kale ugu baaqay ganacsatada in laamaha ammniga usoo sheegaan waxii qal qalgalinaya amnigooda.

Kooxda Al Shabaab ayaa qaraxyo miino ku bur burisay goobo ganacsi oo u hoggaansamay ammarka dowladda ee ahaa in la xirto kaamirooyinka CCTV, waxaana maanta kaliya Al Shabaab qarxiyeen goobo ganacsi oo kuyaalla meelo kala gedisan oo ku yaalla Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay goobaha ganacsi ee kuyaalla magaalada Muqdidho in lagu xiro kaamirooyinka CCTV, halka kooxda Al Shabaab ganacsatada ku amaraty in aysan xiran kaamirooyinka ayna qarxinayaan kuwii xirta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Askari dad u badan qoyskiisa ku laayay goob lagu aasayay Wiil uu dhalay oo geeriyooday

Cabdi Cade

Kooxo hubeysan oo caawa dil ka geystay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Maraykanka oo kashifay qorshe halis ah oo Ruushku ka damacsan yahay Ukraine

Caydiid Ali
Taboola Ads ---