Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada heestay dood la xariirta qoyska dhabta ah uu kasoo jeedo wiil dhallinyaro ah oo dhaawac culus oo dhinaca madaxa uu kasoo gaaray qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay xerada Nacnaca.
Sheekada wiilkan ayaa soo bannaan baxday kaddib markii muuqaalkiisa lagu baahiyay baraha bulshada, waxaana durba soo baxay qoys sheeganayay in wiilkan uu yahay wiilkooda ayna u heesteen in uu ku geeriyooday qaraxii ka dhacay xearada tababarka.
Wiilkan waxaa sidoo kale sheegtay qoyskii gacanta ku hayay kuwaa oo tilmaamay in wiilkan iyagu dhaleen, waxaana dood iyo dacwo socotay kaddib la go’aamiyay in wiilkan iyo labada qoys ee isku heesta laga qaado dhiicaanka DNA.
Maxkamadda derajada koobaad ee ciidamada ayaana maanta go’aamisay in wiilka la isku heestay magaciisa rasmiga ah uu yahay Cumar Cali Axmed, waxa ayna maxkamadda wiilkan ku wareejisay qoyska soo sheegtay, halka qoyskii wiilkan horey u hayay lagu wargaliyay in wiilkooda Cabdisamad uu dhintay.
Natiijada baarista kiiskan iyo jawaabta DNA ayaa ahaa mid si weyn loo sugayay, waxaana ugu dambeyn maanta soo dhammaaday is heesadkii ka dhashay wiilkan sida xun madaxa uga dhaawacmay qarax Al Shabaab ay geesatay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com