Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ka hadlayay shir madaxeedka isbadalka cimilada ee COP28 ayaa sheegay in uu u safri doono dalka Qatar si uu u raadiyo xabad joojin cusub oo dhexmarta Israa’iil iyo Xamaas.
“Xaaladdani waxay u baahan tahay in la labanlaabo dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro xabbad joojin waarta iyo in la sii daayo dhammaan la haystayaasha Xamaas.
“Sidoo kale waxaa loo baahan yahay in la gaarsiiyo dadka Qaza gargaarka ay sida degdegga ah ugu baahan yihiin.”
Macron waxa uu sheegay in ujeeddada Israa’iil ee burburinta guud ee Xamaas ay u baahan tahay in la caddeeyo “sababtoo ah waxa ay keeni kartaa “toban sano oo dagaal ah”.
Hadalka makron ayaa kusoo aadaya iyadoo ergadii Israa’iil u qaabilsanayd wadahadalka lagu amray inay iskaga yimaadaan dalka Qatar oo ahaa dhexdhexaadiyaha Xamaas iyo Israa’iil.
Inkasta oo aan weli laga raja dhigin Haddana sidaas waxaa kusoo afjarmay dedaalladii u dambeeyay ee lagu doonayey in lagu kordhiyo xabbad joojinta ku ekeyd jumcihii.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com