Allbanaadir.com
NEWS

Taliye Dayax oo Dhiiro-gelin ugu tagay Ciidanka jooga xeryaha Maslax iyo Hiil-weyne (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Somaliyeed Gen Dayax Cabdi Cabdulle oo uu weheliyo Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Dhulka XDS Gen Abdullaahi Aadan Xuseen (Ciro) iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer shaqo ku tagay xeryaha Maslax iyo dugsiga tababarka Hiill-wayne.

Kormeerkaan ayaa ahaa mid dhiira-gelin kaasoo geesiyaasha Xoogga Dalka soomaaliyeed lagu amaanayay shaqada xasilinta ah ee ay ka qabteen gudaha caasimada Muqdisho iyo furumaha dagaalka .

Taliyaha ciidanka dhulka Gen Dayax Cabdi Cabdulle ayaa ciidanka faray ineey laba jibaaraan dadaalkooda ku aadan la dagaalanka cadawga ummadda , waxa uuna taliyuhu xusay in waqtigaan lagama maar maan tahay adkaynta gudashada waajibaadka ciidan ee ah ciribtirka arxan laawayaasha.

Xeryaha Maslax iyo Hiil-weyne waxaa degan ciidamo katirsan xoogga dalka iyo ciidamada booliisa milataare ee loo xil saaray sugida ammaanka degmooyinka gobolka Banaadir iyo deegaannada dhaca duleedka Caasimadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaarada Caafimaadka DF oo shaacisay dadka lagu bilaabayo Talaalka Coronavirus

Caydiid Ali

Muxuu Deni kala hadlay Xildhibaanadii lagu doortay Boosaaso? (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax weyn oo saaka ka dhacay degaanka Masaajid Cali Guduud & ciidanka XDS oo ka hadlay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---