Allbanaadir.com
NEWS

Guddoonka Aqalka Sare oo si weyn uga xumaaday dhacdadii Golaha Shacabka ka dhacday

Xildhibaanno katirsan golaha shacabka ayaa maanta is hortaag ku sameeyay kulan wadajir ah ay yeelan lahaayeen labada aqal ee Baarlamanaka Federaalka, kulankaasi ayaana waxaana guddoominayay guddoomiyaha Aqalka Sare.

Xildhibaannada golaha Shacabka qaarkood ayaa diiday in kulanka wadajirka ah uu shir guddoomiyo guddomiyaha Aqalka Sare, waxa ayna taasi sababtay in gabi ahaan kulanka hakado sidaasna ku kala tagaan xildhibaannada labada Aqal.

Qoraal kasoo baxay guddoonka golaha Aqalka Sare ayaa lagu cadeeyay in ay aad uga xun yihiin is hortaaggii maanta ka dhacay xarunta Villa Hargeysa , kaas oo sababay in uu qabsoomi waayo kulanka wadajirka ahaa ee golaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo War kasoo saartay Doorashooyinka Jubbaland iyo Galmudug digniina u dirtay ..

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo sheegtay in dalka la keenayo qeybtii labaad ee talaalka COVID-19

Caydiid Ali

Madaxweyne Guudlaawe oo la kulmay Wakiilo katirsan Beesha Caalamka (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---