Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo arrimo muhiim ah maanta kala hadlay Michael Nithavrianakis (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Ambs. Michael Nithavrianakis.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland, ayaa looga hadlay guud ahaan xaalada Soomaaliya iyo arrimaha Puntland, sida Doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Puntland

Sidoo kale kulan dhaxmaray madaxweynaha Puntland iyo safiirka dowladda Ingiriiska ayaa looga hadlay sidii loi dhamaystiri lahaa iyo sidii loo sii dardargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee UK ka fuliso Puntland.

Maamulka Puntland ayaa dedaal badan ku bixinaya sidii iyagu u heli lahaayeen mashaariicda deegaannadooda loogu tala galay una maamulan lahaayeen, badalkii loo soo marsiin lahaa dowladda Federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dilal kala duwan oo galabta ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Nin hubeesan oo Toogasho dad badan lagu dilay ka fuliyay magaalada Buffalo (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada DF oo Duullaan ku ah labo deegaan iyo Shacabka oo loogu baaqay in ay ka baxaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---