Allbanaadir.com
NEWS

Nin Moos ku dhex beeray ‘bartanka waddo laami ah iyo dowladda oo ku dhegan

Nin u dhashay Japan ayaa geedaha Mooska ku abuuray bartamaha laami weyn oo ay baabuurtu adeegsadaan. Dadka ku nool Kurume City ayaa ku baraarugay natiijada geedo waaweyn oo labadii sannadood ee lasoo dhaafay uu waraabinayay ninkan kuwaas oo u baxaya si aan kaliya qurux ahayn balse mira-dhal ah.

Ninkan oo 50 jir lagu sheegay – balse aan magaciisa la aqoon – waxay dowladda hoose ee Kurume ku wargelisay inuu ka jaro geedaha mooska oo uu muddo labo sanno ah waraabinayay. Lamase yaqaan, sababta uu ninkan ku doortay inuu bartamaha laamiga ku beero geedo.

Waxaase taas beddelkeeda – inta uusan jarin kahor – ay soo jiiteen indhaha dalxiisayaasha. Waxaase dowladda oo ku adkaysanaysa go’aankeeda ay ganaax ahaan ka rabi doontaa adduun dhan 500,000 yen ($3,350) haddii uusan jarin geedahaas!

“Waxaan dareemayaa kelinimad geedahayga la’aantood,” ayuu u sheegay warbaahinta isaga oo jaraya.

Saxaafadda ayaa ku baxday sheekadiisa kaddib markii ficilkiisu uu hadalheyn qaran ka noqday dalka Japan. Waxaa la arkayaa isaga oo cunaya mid kamid ah mooska oo ceyriin ah!

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada “Sidee loo soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo maanta gaaray Magaalada Garowe

admin

Waxqabadka Dhaqaale Ee Bariga Afrika sanadkii 2017 iyo halka Soomaaliya kaga jirtay

Cabdi Cade

Baaritaan la marinayo Caafimaadka maskaxda Madaxweyne Trump oo dood adag ay ka taagan tahay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---