Maamulka shirkadda diyaaradaha ee Itoobiyan Airlines ayaa diyaaradahooda caalamka u kala goosha ka mamnuucay in lasoo saaro bac qaar kamid ah rakaabka diyaarada ay alaabaha ku qaataan .
Bacdan diyaarada Itoobiya Airlines laga mamnuucay ayaa si weyn looga isticmaalaa gudaha Soomaaliya, waxaana bacdan dadka qaar u isticmaalaan sida boorsada iyaga oo dharka iyo alaabaha kalaba ku rita.
Dalka Nageria ayey bacdan si weyn uga soo caan baxday, waxa ayna aheyd xilli dalkaasi laga tarxiilayay muhaajiriin u dhashay dalka Ghana, kuwaa oo markii ay sii baxayeen alaabahooda ku qaatay bahcadasai weyn.
Shirkadda diyaaradaha ee itoobiya ayaa sheegtay in bacdaan ay saameyn ku yeelato qalabka garoomada diyaaradaha, waxa ayna shirkaddu sheegtay in bacdaan la isticmaali karo hadii lagu sii dhex rido kartoon ama qolof kale oo adag.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com