Allbanaadir.com
NEWS

Gacan ka hadal ka dhacay kulankii BF iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi oo loo diiday in uu..

Waxaa maanta xarunta KMG ee golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya isugu yimid xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka, si ay xildhibaannada uga doodaan ajandayaal kulanka la horkeenay.

Kulanka ayaana furitaankiisa waxaa hareeyay buuq xooggan, kaddib markii xildhibaannada ka biyo diideen ka doodista labo ajande oo kala ahaa xisaab xirka miisaaniyadda sannadkii hore iyo meel-marinta misaaniyadda sannadka cusub.

Qaar kamid ah xildhibaannada labada aqal ee kulanka joogay ayaa diiday in la isku qabto labo ajande, waxa ayna codsadeen in labada ajande ee xisaab xirka miisaaniyadii hore iyo meel marinta miisaaniyadda cusub lakala qaado.

Xildhibaannada qaar ayaa sidoo kale diiday in kulanka xildhibaannada labada Aqal uu guddoomiye guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo dooda xildhibaannada markii badatay sheegay in kulanka xiran yahay ayna isugu imaan doonaan kulamo kale.

Dhinaca kulanka kulanka waxaa  ka dhacay gacan kahadal ,kaddib markii ay isku dhaceen xildhibaan katirsan golaha shacabka iyo habdhooraha baarlamaanka, waxaana muuqaal la duubay la arkayay xildhibaanka iyo habdhowraha oo gacanta iskula tagaya.

Kalfadhiga afaraad ee baarlamaanka federaalka oo ay horyaalaan ajandayaal xasaasi ah ayaa durba ku bilowday foodo iyo buuq, waxaana arrintan kusoo aadeysaa xilli loo ololeenayo wax ka bedekka dastuurka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo shaacisay in Ciidamo Mareykan ah ku dileen Weerar is qarxin oo ka dhacay …

Cabdi Cade

Baarlamanka Maamulka Galmudug oo meel mariyey sharci muhiim ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo War kasoo saaray Duqeymo ay ka fuliyeen Shabeelaha Hoose

Cabdi Cade
Taboola Ads ---