Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo War kasoo saartay go’aanka DF looga qaaday Cunaqabateynta hubka

Maamulka goboleedka Somaliland ayaa walaac xooggan ka muujiyay in xilligan Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka oo saarnaa muddo 30-sanno ka badan , kaddib dedaal badan oo dowladda federaalka u gashay sidii cunaqaateynta hubka looga qaadi lahaa.

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Somaliland ayaana looga soo horjeestay go’aanka golaha ammaanka cunaqabateynta hubka uga qaadeen Soomaaliya , waxa ayna tilmaameen i  go’aankaasi halis ku yahay geeska Afrika.

Qoraalka kasoo baxay maamulka Somaliland ayaa u qornaa sida tan:

”Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay walaac xooggan ka muujinaysaa isla markaana si weyn uga soo horjeedda cuna qabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya, taasoo golaha ammaanka ee qaramada midoobay ku soo saaray qaraarka tirsigiisu ahaa 733(1992).

‘Waxa aanu aaminsan nahay in qaadista cuna qabtaynta hubku ay halis ku tahay mandaqadda geesta Afrika iyo guud ahaan caalamka. Dagaalladii arxan darrada ahaa ee dawladdii wixii la odhan jiray Somalia ku soo qaadday dadka reer Somaliland isla markaana ay ku laysay in ka badan 200 oo kun oo muwaadiniin reer Somaliland ah ayaa si weyn inoo xasuusinaya khatarta hub si fudud loo helo.

Somaliland waxa ay waayo aragnimo u leedahay cawaaqib xumada ka dhalan karta hubka aan la xakamayn, waxaananu ka digtoonnahay suurtagalnimada in hubkaasi gacant u galo kooxaha xagjirka ah iyo kooxaha malleeshiyaadka.

Soo if-baxa Kooxaha malleeshiyaadka ah sida kuwa Laascaanood ee la safan kooxaha xagjirka ah, waxa ay muujinaysaa khatar cad oo ka jirta gobolka. Qaadista cuna qabtaynt hubkuna waxa ay sii hurin kartaa kooxahan, waxaanay khatar galinaysaa ammaanka iyo inay uga sii darto dhibaatooyinka banii aadannimo ee hadda jira.

Soomaaliya si cad umay samaysan nidaam habboon uu lagula socdo hubka isla markaana lagu kormeero ama siyaasadaha maamulka hubka. Tani waxa ay kor u qaadaysaa wererka weyn ee ku saabsan in hubka loo leexyo kooxaha argagixisada iyo kuwa xagjirka ah, taasoo uga sii daraysa xasilloonida gobolka. Loollanka hubka ee kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya ayaa ah mid suurtagal ah, marka la qaado cuna qabtaynta hubka. Taasoo shaki la’aan mija xaabin karta xasilloonida iyo degganaanshaha gobolka sidoo kalena abuuraysa jawi hubka tartan loogu jiro.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay u soo jeedinaysaa golaha ammaanka ee qaramada midoobay inay si qoto dheer uga fiirsadaan dhibaatada culus ee ka dhalan karta qaadista cunaqabtaynta hubka, isla markaana ay sameeyaan hannaan lagu daba galayo laguna ilaalinayo in aan hubku gacanta u galin kooxo aan qaadi karin masuuliyadda hubka.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka go’an inay la shaqayso dalalka gobolka iyo bulshada caalamka dhinaca ammanka, isla markaana qayb ka qaadato arrimaha khatarta amni ku ah xasillonida iyo deganaanshaha gobolka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

In ka badan 20 Shaqo oo ka banaan Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska Dowladda Soomaaliya (Fadlan ka Faa’iideyso)

admin

Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay diyaaradii kusoo dhacday Bardaale

Cabdi Cade

Muwaadiniin u dhashay dalka Sacuudiga oo laga soo eryey Maraykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---