Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo Daah-furay hannaanka wada shaqeynta Waaxyaha Dowladda Hoose (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa manta daahfuray shirka hanaanka wadashaqeynta waaxaha Dowladda Hoose ee Xamar, Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Furitaanka shirkan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo wacyi galintaMaamulka Gobolka Banaadir Cabdicasiis, Cismaan Maxamed iyada oo madasha uu shirkan ka dhacayay lagu soo bandhigay warbixina la xariira muhiimada uu hanaankan u lee yahay dardargalinta iyo hufnaanta howlaha lagu horumarinayo bilicda Caasimadda iyo adeegyada aas aasiga ah ee loo baahan yahay in la gaarsiiyo bulshada Gobolka Banaadir.

Madaxdii kala duwaneyd ee ka hadlay shirkan ayaa balan qaaday in ay dardargalin doonan iskaashiga iyo wadashaqeynta waaxaha kala duwan ee dowladda hoose ee Xamar iyo Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir iyo sidoo kale daahfur naanta islaxisaabtanka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku dardaarmay in mas’uuliyad gaar ah la iska saaro ilaalinta, qorista iyo ku hadalka afkeena hooyo, isaga oo sidoo kale sheegay in cidkaste lagula xisaabtami doono shaqada loo igmaday.

Related posts

War deg deg ah: Qarax weyn oo goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukaama

Caydiid Ali

Ciidamo ka tirsan Gorgor oo kasoo laabtay tababar ay ku soo qaateen Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo maanta Kulan muhiim ah yeeshay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---