Qarax nuuca miinada ah oo jugtiisa si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho ayaa xalay saqdii dhaxe ka dhacay suuqa weyn ee Bakaaraha , gaar ahaan goob ganacsi oo ku dhaw isgooska Bakaaraha.
Sida aan xogta ku helay qaraxan miino ayaa lagu xiray goob ganacsi oo kutaalla agagaarka isgooska Bakaaraha, goobtan ayaana loo qarxiyay fulinta ammarka dowladda ee ahaa in kaamirooyin lagu xiro xarumaha ganacsi.
Kooxda Al Shabaab ayaana lagu eedeenayaa in ay ka dambeeyeen qaraxan lagu beegsaday goobta ganacsi, mana jiro khasaaro nafeed oo ka dhashay qaraxan marka laga reebo bur bur soo gaaray goobta la qarxiyay.
Qaraxyada miino ee lala beegsanayo goobaha ganacsi ee kuyaalla magaalada Muqdisho ayaa sii kordhaya, waxa ayna qaraxyadan cabsi badan ku abuureen ganacsatada u hoggaansamay ammarka dowladda ee ahaa in la xiro kaamirooyinka qarsoon ee CCTV.
Ciidamada Nabad sugida Soomaaliya ayaa xiraya goobaha ganacsi aan qaadan ammarka dowladda kana biyo diidan in ay xirtaan kaamirooyinka, halka kooxda Al Shabaab iyana qarxinayaan goobaha ganacsi ee fulinaya ammarka dowladda .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com