Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Cunaqabateynya hubka ee laga qaaday Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed u diray farriin ku saabsan  cunaqabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka  hadlay dadaalka ay ku bixisay dowladda in la qaado cunaqabateynta hubka, faa’iidada ay u leedahay dowladnimada iyo halganka xoreynta dalka.

“Dadka Soomaaliyeed waxa aan rabaa in aan ugu bishaareeyo sanadka 32-aad in aysan cunaqabateyn hubkanina saarneen, maanta dadka Soomaaliyeed waxa aan rabaa in aan u sheego dalka Soomaaliya dhammaan cunaqabateynta hubka waa laga qaaday,” sida uu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Sidoo kale Madaxweynaha oo hadalka sii wata ayaa ku sii daray, “Dalkeena maanta waxa uu xor u yahay intii awoodeenu ay la’egtahay hubkii aan rabno in aan soo iibsanno, oo caalamka aan ka soo iibsanno.”

Madaxweynaha oo ka hadlay fursadaha ay Soomaaliya haysato ayaa yiri, “Waxaa maanta fursad u haysannaa dalalka na kaalmeenaya ee saaxiibada nala ah ee walaalaha ah, hubkasta oo aan waydiisanno in ay na siin karaan.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda ay ku ad-adkaandoonta xakameynta hubka iyo khulkhulka hubka, isaga oo xusay in dowladda ay u dajisau shuruuc.

Fadhi ay yeesheen Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka oo saarneed tan iyo 1992-dii. Tallaabadaan ayaa sheegay in ay Soomaaliya u abuuri doonta waddo cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Imaamka Al-Azhar Al-Shariif oo digniin adag ka bixiyey diin cusub oo la faafinayo

Caydiid Ali

Ciidamada Kumaandooska oo gacanta ku dhigay gaari qaraxyo waday iyo ragii la socday

Cabdi Cade

Abiy Axmed oo beeniyay Warar laga faafiyay heshiiskii Badda ay la galeen maamulka Somaliland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---