Allbanaadir.com
NEWS

Haweeney madhasho lagu cayn jiray oo 70 jir carruur mataano ah ku dhashay !

Haweeney 70 sano jir ah oo u dhalatay dalka Uganda ayaa dhashay ilmo mataano ah, kadib markii lagu beeray ilmo, sida laga soo xigtay isbitaal ku yaala dalka Uganda.

Safina Namukwaya, ayaa umushay wiil iyo gabar kadib markii ay qaliin ku martay isbitaalka Kampala. Waa markii labaad muddo saddex sano ah oo ay umusho. Sanadkii 2020-kii, ayay dhashay gabar.

Haweeneydaan oo ka mid kamid ah dadka da’ada ah ee dhalay, ayaa warbaahinta maxaliga u sheegtay in tani ay ‘mucjiso’ tahay.

Waxay sheegtay inay dooneysay inay ilmo dhasho, kadib markii sida ay sheegtay lagu cayn jiray ‘madhasho’.

Sannadkii 2019-kii, haweeney 73 sano jir ah oo ku nool dalka Hindiya ayaa dhashay ilmo mataano ah, kadib markii iyaduna ilmo lagu beeray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka soo baxay kulankii madax goboleedyada & Midowga Musharaxiinta?

Caydiid Ali

Xaaska Askari katirsan Ciidamada AMISOM oo si arxan daro ah loo dilay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo ka qeyb galay Shirka golaha Wasiirada Jubbaland (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---