Xulka qaranka 18 sano jirrada Soomaaliya ayaa maanta waxay fooda is dareen dhiggooda Kenya, kulan ka tirsan tartanka bariga iyo bartamaha Africa ee Cecafa.
Xulka Kenya ayaa 4-1 ugu awood sheegtay Somalia oo goolka ka ku hor martay qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana ka dibn shan daqiiqo gudahood Kenya ay dhalisay labo gool oo deg deg ah, iyagoo qeyb labaadna helay labo oo kale.
Goolka kaliya ee ay Somalia dhalisay oo aha mid aad u qurux ayaa waxaa u saxiixay Ciyaartoyda Cabdixaafid Abdi
Labada kooxood ayaa ka tirsan guruubka A. Waxaa sidoo kale isla guruubkaas ka tirsan oo wada cayaaray dalalka Rwanda iyo Sudan.
Kulankan ayaa ka dhacay garoonka Bukhungu Stadium oo ku yaala magaalada Kakamega ee galbeedka Kenya.
Kenya ayaa hogaamineysa guruubkan iyadoo leh 9 dhibcood, halka Soomaaliya ay ku jirto kaalinta labaad iyagoo haysta 3 dhibcood. iyadoo Soomaaliya ay maanta ka hartay guruubka.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA