Qaraxyo iyo rasaas ayaa saaka mar kale laga maqlay waqooyiga Qasa ka dib markii ay soo idlaatay xabad joojintii todobada cisho socotay ee u dhexeysay Xamaas iyo Israel
“Dhacdadan ayaa daba socota iyadoo hawada marinka Qasa ay dul heehaabayaan diyaaradaha milatariga Israa’iil ee aan duuliyaha lahayn iyo diyaaradaha dagaalka,” ayuu yiri Tareq Abu Azzoum Azzoum, oo ah wariye ka tirsan Al Jazeera, kaa soo ka soo warramayay magaalada Khan Younisee koonfurta Qasa.
Warbaahinta falastiiniyiinta ayaa ku warantay in Israa’iil ay duqaymo cirka iyo madaafiicda ah ku garaacday marinka kadib markii ay dhammaatay xabbad joojinta, oo ay ku jirto magaalada Rafah oo u dhow xadka Masar.
Dhanka kale, wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeysa dad goob joogayaal ah ayaa ku soo warrameysa iyo dad badan ay ku naf waayeen duqeymaha Israel ee Saaka
Ugu yaraan 60 qof oo u badan haween iyo caruur ayaa ku dhintay duqeymaha ka socda Gaza tan iyo saaka sida ay sheegtay Wasaarada Caafimaadka Falastiniyiinta.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA