Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay dib u soo laabashada dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas.
Xabad joojin socotay 7 cisho oo dhamaatay ka dib ayaa saaka ciidamada Israel waxay dib u bilaabeen weerarada iyo duqeymaha ay ku hayaan magaalada Gaza
“Aad ayaan uga xumahay in howlgallada militari ay mar kale ka bilowdeen Gaza. Waxaan weli rajeynayaa in ay suurtagal tahay in dib loo cusbooneysiiyo xabad joojinta. Ku soo noqoshada colaadaha kaliya waxay muujineysaa sida ay muhiimka u tahay in la helo xabbad joojin bini’aadantinimo oo run ah,” ayuu Guterres ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa X Jimcihii.
Dhanka kale, James Elder, oo ah afhayeenka UNICEF, Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay, ayaa ku dhaleeceeyay waxa uu ugu yeeray “dagaalka carruurta” farriin muuqaal ah oo laga duubay gudaha mid ka mid ah isbitaalladii ugu dambeeyay ee Gaza.
“Waxaan mar kale arkeynaa carruur badan oo qaba dhaawacyada dagaalka. Iyadoo jeexjeexyada jidhkooda daadsan yihiin, oo ay lafaha jabeen. Waxqabad la’aanta kuwa saamaynta leh ayaa sababay oggolaanshaha dilka carruurta. Kani waa dagaal ka dhan ah carruurta,” ayuu yiri.