Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Xoogga dalka oo degaano cusub kala wareegay Al-Shabaab (Sawirro)

Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60aad ayaa gacanta ku dhigay deegaano ka tirsan gobolka Bakool oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab

Gooobaha laga howlgalay waxaa ka mid ah Bariga iyo Galbeedka Magaalooyinka dhaca Waajid ee Gobolka Bakool iyo Degmada Bardaalle ee Gobolka Bay.

Howlgalkaan oo uu hoggaaminyay Taliye Cali Nuur Mad Idiris ayey ciidanku ku beegsadeen Al-shabaabkii ku sugnaa degaanada Ceel-Dhuun Adeegow, Shaanto, Ceel Mareere, Garas xabad, iyo Coosle ee dhaca xuduudka gobolada Bay iyo Bakool.

Sidoo kale intii howlgalka uu socdey ayaa lagu burburiyey Goobo ay Al-shabaab lacago kaga qaadayeen gaadiidka dadweynaha sida ay saraakiisu sheegeen.

Masuuliyiinta Gobolka Bakool ayaa sheegay in howlgaladan Al-shabaab looga dilay dagaalyahano, loogana furtay hub kala duwan.

Sidoo kale, Masuuliyiinta ayaa Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ku amaaney difaaca ay ugu jiraan dalka iyo dadka, waxayna sheegeen inaysan Magaalada joogi doonin ayna la tagi doonaan goobaha degaalka.

Related posts

Dowlada Britain oo liiska Cas ka saartay 11 dal oo kuyaala Qaarada Afrika

Cabdi Cade

Farmaajo oo doonaya inuu hal arrin kaga faaiideysto guusha kiiska Badda

Caydiid Ali

Qaraxyo waaweyn oo laga maqlay Badda cas & Xoogaga Xuutiyiinta Yemen oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---