Wada-hadallada u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ayaa ka sii socda magaalada Doxa ee Qatar inkastoo uu dib u billowday dagaalka Gaza, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar.
“Wada xaajoodka u dhexeeya labada dhinac waa uu sii socdaa iyada oo ujeedadu tahay in lagu soo laabto xabad joojinta,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Wasaaraddu waxay intaa ku dartay in duqeymaha joogtada ah ee Marinka Gaza ee saacadaha ugu horreeya ka dib dhamaadka xabad joojinta ay adkeyneyso dadaallada dhexdhexaadinta iyo musiibada bini’aadanimo ee ka jirta marinka.”
Waxay beesha caalamka ugu baaqday inay “dhakhso u dhaqaaqdo joojinta dagaalkan
Qatar ayaa cambaareysay beegsiga ama barakicinta qasabka ah ee lagu hayo dadka rayidka ah ee Gaza waxayna ku baaqday xabbad joojin degdeg ah si loo xaqiijiyo qulqulka gargaarka aan la xannibin ee ku qulqulaya marinka, sida lagu sheegay bayaanka.
Dhinaca kale, Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa warqado ku daadiyay magaalada Khan Younis ee koonfurta Gaza saaka, iyagoo ku tilmaamay halkaas “aag dagaal” waxayna u sheegeen dadka deegaanka inay si degdeg ah uga guuraan.”
“Ku socota dadka deggan Al Qarara, Khirbet Khaza’a, Abadan iyo Bani Suheila. Waa inaad isla markiiba ka baxdid oo aad aadaa aagga Rafah. Magaalada Khan Younis waa aag dagaal,” ayaa lagu yiri warqadda oo Carabi ku qoran.
Intii uu socday dagaalka ka hor xabbad-joojintii dhowaa, Israa’iil waxay si isdaba joog ah ugu sheegtay dadka deggan waqooyiga Qaza inay u guuraan koonfurta Gaza. Magaalada Khan Younis waxay ku taal koonfurta khadkaas. Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in ugu yaraan 946,000 oo qof oo ku barakacay Qaza ay hadda ku sugan yihiin koonfurta Qaza.
Soo daadinta warqaddan ayaa timid iyadoo Israa’iil ay sheegtay Jimcihii inay dib u billowday howlgallada dagaal ee ka dhanka ah Xamaas ka dib xabbad joojin toddoba maalmood ah.
Ugu yaraan 48 qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena way ku dhaawacmeen duqaymaha Israa’iil ay ka geysatay saaka magaalada Gaza sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka ee ay maamusho Xamaas.
Mar sii horreysay, wasaaraddu waxay sheegtay in 14 qof la dilay, waxaana saacadba saacada ka dambeysa sii kordhaya khasaaraha soo gaaraya dadka rayidka
Dr. Ashraf Al-Qudra oo ka tirsan dhaqaatiirta Gaza ayaa sheegay in dadka la dilay ay u badnaayeen haween iyo caruur.