Dowlada Sweden ayaa ogolaanshaha kala noqotay iskuulka islaamiga ah ee ay maamusho hey adda Córdoba International School.
Arrintan ayaa ka dhigan in 516 ardey oo dhigta iskuulkaas, ay ku qasban yihiin inay iskuulo cusub u badashaan wixii ka danbeeya sanadka cusub ee 2024 kadib.
Wargeyska Aftenbladet ayaa sheegay in Sababta loo xirayo iskuulkan ay tahay cabsi laga qabo in la xagjireeyo ama afkaarta xagjirka ah lagu abuuro qaar ka mid ah ardeyda dhigata iskuulkan islaamiga ah.
Hey adda amniga iyo sirdoonku dalka Sweden ee Sapo ayaa sheegtay inay qiimeynayaan in qaar kamid ah maamulka iskuuladdan uu xiriir la sameeyay kooxo islaamiyiin ah
Waxaa la ogaaday in qof kamid ah maamulka iskuulkan uu horey ula soo shaqeeyay urur argagaxiso oo ka howlgala dalka Sweden meel ka baxsan. sida ay sheegtay heyadda sirdoonka Sweden inkastoo aysan bixin faahfaahin dhameystiran.
Lotta Edholm oo ah Wasiiradda waxbarashada Sweden ayaa sheegay in dowladiisu ay juhdi walba ku bixineyso in caruurta kunool Sweden laga difaaco fikradaha xagjirnimadda.
Wuxuuna sheegay in islaamiyiinta xagjirka ah iyo dadka afkaarkooda la dhacsan, aysan marnaba fursad u hel doonin inay saameyn ku yeeshaan iskuuladda Sweden.
Iskuulka la eedeeyay ayaa dhankiisa sheegay in horey loogu soo jeediyay eedo noocan oo kale ah, balse ay markii danbe beenoobeen ama waxbo lagu waayay Waxayna sheegeen in hada ay dacwad racfaan ah.
Maamulka iskuuladda la eedeeyay ayaa sheegay in tan iyo markii la furay iskuuladda sanadkii 1997, aysan ilaa hada jirin hal ardey oo iskuulkan dhigto oo xagjiroobay ama lagu abuuray fikiradda xagjiradda.