Allbanaadir.com
NEWS

Dagaalkii Gaza oo dib u qarxay ka dib xabad joojin todobo cisho socotay (Sawirro)

Dagaal culus ayaa laga soo sheegayaa inuu saaka dib uga qarxay magaalada Gaza iyadoo militariga Israa’iil ay dib u bilaabeen howlgallada ka dhanka ah Xamaas.

Dib u bilaabashada dagaalka ayaa timid ka dib markii dhamaatay todobada maalmood xabad joojin ah taasoo oggolaatay in la haystayaal ay Xamaas ku heysatay Gaza lagu beddelo boqollaal maxaabiis falastiiniyiin ah, waxaanay fududaysay gelitaanka gargaarka bini’aadantinimo.

Saacado ka hor inta aan la gaarin xiliga dhicitaanka xabbad joojinta oo ku ekeyd 7:00 subaxnimo (0500 GMT), Israa’iil waxay sheegtay in ay qabatay gantaal laga soo ganay Qaza.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xamaas ama sheegashada mas’uuliyadda gantaalkan.

Warbaahinta falastiiniyiinta ayaa ku warantay in Israa’iil ay duqeymo cirka ah iyo madaafiic ku garaacday guud ahaan degaanada go’doonson kadib markii uu dhammaaday xabbad joojinta, waxaana meelaha la duqeeyey  ku jirto Rafah, oo u dhow xadka Masar.

Magaalada Khan Younis ee ku taal koonfurta marinka Qaza, goobjooge ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in uu maqlayey duqeymo xooggan oo uu arkayay qiiq ka baxaya bariga magaalada. Dadka ayaa aagga uga qaxayay xeryo ku yaal galbeedka Khan Younis si ay gabaad uga dhigtaan, ayuu raaciyay.

Al-jazeera ayaa sheegtay in tiro dad ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen duqeymaha Israel.

Militariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay in diyaaradahooda ay duqeymo ka geysanayeen bartilmaameedyada Xamaas ee Gaza.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in markii uu dib u bilowday dagaalka ay Israa’iil ka go’an tahay in ay gaarto hadafkeeda dagaalka.

Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya qiiq madow oo aad u badan oo kor ka kacaya xerada Jabalia ee sida weyn loo dhisay ee Gaza.

Israa’iil ayaa ku dhaaratay inay baabi’in doonto ururka Xamaas ee ka taliya Gaza, taasoo jawaab u ah weerarradii 7-dii Octobar ee kooxdan hubeysan, markaasoo Israa’iil ay sheegtay in rag hubeysan ay dileen 1,400 oo qof ayna qabsadeen 240 qof.

Israa’iil waxay kaga aargoosatay duqayn xooggan iyo duulaan dhulka ah. Maamulka caafimaadka Falastiin oo ay Qaramada Midoobay u aragtay in la isku halayn karo ayaa sheegay in geerida in ka badan 15,000 oo qof Qaza la xaqiijiyay.

Related posts

Ibraahim Dheere oo xilka la wareegay si toos ahna u shaqo bilaabay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Somalia & Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis mashruuc weyn lagu dhisayo (Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) Khudbadii Farmaajo ka jeediyey shirka Madaxda Afrika oo dhameystiran

Caydiid Ali
Taboola Ads ---