Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in roobabka ka da’aya qaybo badan oo ka mid ah dalka ay si saameyn ugu yeesheen dagaalka dowladdu kula jirto al-Shabaab oo hadda u muuqda mid gaabis ah.
Raisal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dagaalku aanu istaagin hase yeeshee maalmahaan ay u muuqato in ciidamada dowladda iyo kuwa al-Shabaab kala nasteen roobabka awgood.
Xamse Cabdi Barre ayaa xusay in weerarardii iyo dagaalladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ciidamada dowladdu qaadi jireen aaney maalmahaan jirin isagoo sababta ku sheegay daadadka iyo fatahaadaha ku dhuftay qaybo badan oo dalka ka mid ah.
Waxaa uu tilmaamay in hadda qorshuhu yahay in la soo gabagabeeyo wajiga koowaad ee dagaalka lana bilaabo kan labaad, wuxuuna xusay in ciidamada dowlada ay diyaar u yihiin iney dagaalka sii wadaan marka ay roobabku joogsadaan