Israel iyo Xamaas ayaa galabta ilaa caawa isweydaarsaday maxaabiis ka kooban haween iyo caruur, maalintii u dambeysay xabad joojin todobo cisho socotay oo haatan gebagebo ku dhow.
La haystayaasha ay heysay Xamaas ayaa maanta oo Khamiis ah laga sii daayay meelo kala duwan iyo waqtiyo kala duwan.
Sababta ayaa ah in lagu hayey meelo kala duwan oo Gaza ka tirsan, sida uu sheegay sarkaal Israa’iili ah.
Illaa todoba Israaiiliyin ah ayaa laga sii daayey Gaza, kuwaasoo noqonaya haweenkii iyo caruurtii u dambeeyey ee ku jiray gacanta Xamaas.
Sidoo kale Israaiil ayaa ooda ka qaaday 30 haween iyo caruur reer falastiin ah oo ku jiray jeelasheeda
Israa’iiliyinta la sii daayey waxaa ku jira, labo dumar ah oo lagu kala magacaabo Amit Soussana iyo Mia Schem
Xamaas ayaa hadda heysa maxaabiis reer Israel oo ka badan 150 kuwaasoo dhamaantood ah rag iskugu jira rayid iyo ciidamo ay ku jiraan saraakiil sare, Xamaas ayaa sheegtay in dadkaas ay ku bedelan karto oo kaliya in la sii daayo maxaabiis 7 kun gaaraya oo ku jira xabsiyada Yuhuuda, hase ahaatee Israel ayaa shuruudaas diiday.
Inkastoo ay socdaan wadahadalo xoogan hadana waxaa aad u yar rajada laga qabo in la dheereeyo ama maalmo kale lagu daro xabad joojinta oo ku eg beri oo Jimce ah aroornimadii, xiligaasoo wixii ka dambeeya ay u badan tahay inuu dib u bilaabmo dagaalka.
Israel iyo Xamaas ayaa isku mari waayey wadahadalo ka socday maalmahan dalka Qatar ka dib markiii dhinac walba uu la soo shir tagay shuruudo adag iyo mowqifyo aad u kala fog oo lagu fashilmay in la isku soo dhoweeyo.