Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxamed Max’uud Cali (Afgooye) oo saaka hortagaya Baarlamanka Somalia

Maanta waxaa kulan maalmeedkoodii caadiga ahaa ku yeelanaya magaalada Muqdisho Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya.

Ajendaha maanta looga hadlayo kulankan ayaa ah akhrinta Koowaad ee dib u eegista hindise sharciyeedka xafiiska hanti-dhawrka guud ee qaranka.

Waxaa kulanka maanta ka qeyb galaya hortago hanta-dhawraha guud ee qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye)

Xildhibaanada ayaa kulamadii ugu dambeeyey waxay ka doodayeen ajende ku saabsanaa wax ka bedel lagu sameynayo xeer hoosaadka ee golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo qodobkaas uu dodo kulul ka yeeshay baarlamanka.

Wadooyinka Soo gala Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona halkaasi la soo dhoobay Ciidamada amaanka ee Dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dayuurad ay la socdeen dad ka badan boqol qof oo burburtay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Kooxo hubeysan oo saaka dil qorsheysan ka geystay xaafad ka tirsan Muqdisho

Caydiid Ali

DEG DEG: Madax goboleedyada & Musharaxiinta oo kulan deg deg ah ku leh Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---