Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Toban Israa’iliyiin ah oo dhimasho iyo dhaawac loogu geystay Qudus (Sawirro)

Ugu yaraan saddex qof oo Israaiiliyiin ah ayaa ku dhintay todobo kalena waa ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday magaalada Jerusalem maanta, sida ay sheegeen maamulka deegaanka.

“Argagixisadu waxay ka yimaadeen bariga Quddus. Waxay ku hubaysnaayeen qoriga M-16 iyo bastoolad. Waxay la yimaadeen baabuur waxayna rasaas ku fureen dad rayid ah,” ayuu yiri taliyaha booliiska Yuhuuda Doron Turgeman.

Turgeman ayaa sheegay in kooxihii weerarka soo qaaday ay dileen labo askari iyo qof shacab ah.

Mid ka mid ah dadka dilay ayaa goobta ku dhintay, labo kalena waxaa la sheegay in ay ku dhinteen isbitaalka Shaare Zedek sida uu sheegay madaxa adeega gurmadka ee Magen David Adom

Afhayeenka Booliska Israa’iil ayaa sheegay in weeraryahanadu ay rasaas ku fureen dad rayid ah oo ku sugnaa saldhiga baska abaare 7:40 subaxnimo wakhtiga maxaliga ah.

Goobta weerarku ka dhacay waa la xiray, waxaana socda baaritaan dheeri ah.

Xamaas ayaa sheegtay in raggii ka dambeeyay toogashada baska magaalada Quddus ay ka tirsan yihiin garabkooda milatariga ee Al-Qassam Brigades. Kooxda islaamiga ah ayaa labada nin ee weerarka fulisay oo markii dambe la dilay sheegtay inay walaalo ahaayeen laguna kala magacaabi jiray Murad iyo Ibrahim Nimr.

Xamaas ayaa sheegtay in weerarku uu jawaab toos ah u ahaa dambiyada aan horay loo arag ee ay gaysteen ciidamada Israel oo ay ku jiraan xasuuqa naxariis darada ah ee Marinka Gaza, dilka carruurta ee Jenin, iyo xadgudubyada baahsan ee ka dhanka ah maxaabiista Falastiiniyiinta. Waxaa intaa dheer, xadgudubyada joogtada ah ee Masjidka Al-Aqsa iyo ka hortagga gelitaanka dadka cibaadeysanaya.

 

Related posts

Xildhibaanada golaha shacabka oo ka laabtay Sharcigii Jiheynta Doorashada ee Mudo kororsiga

Cabdi Cade

Guddoomiyihii gobolka Togdheer oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

Cabdi Cade

Taliyihii Guutada Abuu Dujaana oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo xilka la wareegay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---