Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xabad joojinta Gaza oo gashay Maalintii todobaad & Blinken oo Tel-aviv ku laabtay

Xabbad-joojinta Israa’iil iyo Xamaas ayaa la kordhiyey maalintii toddobaad, taasoo saamaxday in maalin kale la sii daayo la haystayaal badan iyo in gargaar dheeraad ah la geeyo Gaza.

Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken uu booqday gobolka.

Blinken ayaa sidoo kale xaqiijiyay in xabbad joojinta ay gacan ka geysatay sidii gargaar dheeri ah loogu heli lahaa Gaza wuxuuna sheegay in xabbad joojinta ay rajeyneyaan inay sii socoto.

Netanyahu wuxuu qorsheynayaa inuu kala hadlo wajiga xiga ee dagaalka Blinken, afhayeenka ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Ofir Gendelman, ayaa ku sheegay warbaahinta bulshada  X  (hore Twitter).

Israa’iil ayaa Dhinaca kale heshay liis cusub oo dumar iyo carruur ah oo la haysto si looga sii daayo Khamiista maanta, sida uu sheegay xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil. Wali waxaa Qaza lagu haystaa 145 qof.

Raiisel wasaaraha Spain Pedro Sánchez ayaa isna Khamiista sheegay inuu shaki weyn ka qabo in Israa’iil ay u hoggaansanto sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada ee Gaza. “Muuqaallada aan aragno iyo tirada sii kordheysa ee carruurta dhimaneysa, waxaan shaki weyn ka qabaa Israel inay u hoggaansanto sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada,” ayuuu yiri ayuu Sánchez.

Todoba iyo toban qof oo u dhashay Thailand  kuwaasoo ay sii daayeen Xamaas ayaa hadda ka degay Bangkok. Ra’iisul Wasaaraha Thailand Srettha Thavisin ayaa ku soo dhaweysay dalkooda markii ay soo laabteen.

 

Related posts

Saraakiil ciidan oo ka socday dalka Masar oo soo gaaray Magaalada Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo soo xiray Kulan Wadareedka Dardar galinta Hiigsiga Xukuumada (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Dhambaal u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Cabdi Cade