Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo Afmadow u tagay wax ka ogaanshiyaha xaalad taagan (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer uu ugu kuur-galayo xaaladda binu aadantinimo ee ka dhalatay roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka, waxa uu ku tagey degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Afmadow si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, masuuliyiinta degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada,

Xamse Barre ayaa u kuurgalaya xaalada adag ee ka taagan degmada Afmadow oo saameyn xooggan ku yeeshay roobkii ka da’ay halkaasi iyo fatahaada wabiga jubba ku sameeyay degmadaasi iyo deegaanno hoosta.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda Hoose, waxa uuna halkaasi iyana u tagay wax ka ogaanshiyaha xaalada ka dhalatay roobka fatahaadyada watay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Agaasimihii hore ee Villa Somalia oo u loolamaya kursigii Hop86 ee laga xanibay Fahad Yaasiin

Caydiid Ali

Wakiillo katirsan Beesha Caalamka oo tagay Baydhabo lana kulmay Laftagareen (Sawirro)

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo Baydhabo gaaray & Xog ku aadan ujeedka safarkiisa (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---