Allbanaadir.com
NEWS

Markab gargaar siday oo soo gaaray Muqdisho iyo Dowladda oo la wareegtay

Dowladda Soomaaliya ayaa Dowladda Ruushka kala wareegtay gargaar loogu talagalay dadka ay saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha is-biirsaday ee ku dhuftay deegaanno badan oo ka tirsan dalka.

Safiirka Dowladda Ruushka u qaabilsan Soomaaliya iyo Jabuuti oo wakiil ka ah xukuumadda Moscow ayaa sheegay in gargaarkan uu astaan u yahay saaxiibtinimada labada dal,islamarkaana bilaha soo socda ay keeni doonaan gargaar kale.

‘’ Tani waa bilowga shixnado gargaar oo ka kooban 25-kun oo tan oo qamadi ah, taas oo loogu talagalay dadka ay saameynta ku yeesheen daadadka iyo fatahaadaha, sidoo kale, waxaa markale gargaar kan la mid ah keeni doonaa daba-yaaqada bisha December,” ayuu yiri Safiirka.

Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda kaga mahadcelisay Dowladda Ruuska iyo safiirkeeda deeqdan gargaarka ah oo ku soo aadday xilli loo baahnaa.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo la wareegay shixnadda gargaarka ah ayaa dhanka ka dalbaday xukuumadda Moscow in ay inoogu deeqaan diyaarado gurmadka lagu gaarsiiyo dadka go’doonsan.

‘’ Gargaarka Dowladda Ruushka inoogu deeqday waxa uu ku soo aaday xilli loo baahnaa, waxaanna kala hadli doonaa sidoo kale in ay noogu deeqaan diyaarado aan gargaarka ku gaarsiino dadka go’doonsan,’’, ayuu yiri wasiir Fiqi.

Shacabka Soomaaliyeed waxay wajahayaan daadad iyo fatahaado bur buriyay magaalooyin, sidoo kalena, saameeyay dad labo milyan iyo bar ah, dad malyan ka badana ay ku barakaceen halka tiro kale oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah ay ku nafwaayeen.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Banaan bax looga soo horjeeday Muxaadarada Sheekh Umal oo lagu qabtay Muqdisho

Cabdi Cade

Ajaaniib dooneysay in ay tahriibiyaan Dhallinyaro Soomaaliyeed oo la qabtay

Cabdi Cade

(Daawo Video) Dagaal weyn oo laga baqayo in uu aduunka ka dhaco iyo Wararkii ugu danbeeyay 24 ka saac ee Somaliya!!

admin
Taboola Ads ---