Agaasimaha Hey’adda NISA Mahad Salad ayaa maanta kormeeray isbedelka amni ee Suuqa Bakaaraha, halkaasoo muddooyinkii u dambeeyay amnigeeda uu soo hagaagay, isla markaana laga hortagay falalkii amni darada iyo dilalka kooxaha hubeysan ka geysan jireen
Kormeerka Agaasimaha NISA ayaa sidoo kale ahaa mid uu ugu kuur-galayay wixii ka hirgalay amarkii Hey’adda ee ahaa in Ganacsatada goobahooda ganacsi ku xiraan kaamirooyink qarsoon ee loo yaqaan CCTV, si ay ugu qeyb qaadato sugidda amniga, nafta iyo hantida Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Suuqa ku ganacsanata
Intii uu Agaasimaha NISA ku guda jiray kormeerkiisa ayuu suuqa ku lugeeyay, waxaana uu si gaar gaar u arkay Ganacatada ku ganacsatada oo uu ka wareystay xaalada amni ee suuqa.
Sirdoonka Soomaaliya ayaa shaqo adag ka qabtay Suuqa Weyn ee Bakaaraha, halkaas ay ka dhici jireen dilal qorsheysan iyo falal kale oo amniga lidi ku ah, waxaana ammaanka suuqaasi la wareegaty muddooyinkii dambe ciidamo katirsan Nabafd sugida.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com