Allbanaadir.com
NEWS

Nin Afrikan ah oo qirtay in si farsameysan ku xaday lacag Malaayiin Dollar ah

Maxkamad kutaalla dalka Mareykanka ayaa lasoo taagay nin asal ahaan kasoo jeeda dalka Nageria balse heesta dhalashada dalka Ingiriiska, ninkan ayaana ku eedeysan in hab online ah ku dhacay lacag malaayiin dollar ah.

Idris Dayo Mustafa, oo 33 jir ah ayaa maxkamadda kutaalla Mareykanka kahor qirtay in uu xaday lacag gaareysa 6 milyan oo doolar muddo toddobo sano ah, waxa uuna ninkan maxkamadda kahor sheegay qaabka uu dhaca u geestay.

Ninkan ayaa qayb ka ahaa koox jabsata oo gashay email-ka iyo xisaabaadka shirkadaha Maraykanka laga leeyahay intii u dhaxaysay sanadihii 2011 iyo 2018, taas oo keentay in la waayo lacagtaasi lixda milyan ah sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah.

Idris Mustafa ayaa laga soo qabtay dalka Ingiriiska uu heesto dhalashadiisa, waxaana ninkan dambiyada loo heesto haddii lagu helo uu muteesan karaa xukun xabsi ah oo gaaraya 20-sanno.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska DF oo sheegay in 11 qof loo xiray falkii lagula kacay ciyaartoyda K/Galbeed

Caydiid Ali

Dowlada Norwey oo baaq cusub kasoo saartay Doorashada Soomaaliya ka bilaabatay

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo magacaabay Guddiga Diwaan-gelinta Ururada Siyaasadda (Wareegto)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---