Allbanaadir.com
NEWS

Guddi ka socday Qaramada Midoobay oo arrin muhiim ah kala hadlay Wasiirka Difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS mudane Cali Cumar Balcad ayaa la kulmay Guddiga gaarka ah ee howlgalka Nabadaynta Qaramadda Midoobey (C34) .

Guddigan ayaa magaalada Muqdisho u yimid si ay ula kulmi lahaayeen masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya iyo howlgalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya  ATMIS, waxa ayna kala hadlayaan howlgaladda dalka looga saarayo Al Shabaab.

Mas’uuliyiinta DFS ee kulanka ka qayb galay ayaa warbixin ka siisay wafdiga, horumarka laga gaaray la dagaalanka Argagixisada iyo doorka taageero ee muhiimka ah ee Ciidamada ATMIS iyo saaxiibada Soomaaliya ay ka geesteen Dagaalka xoreynta dalka.

Mas’uuliyiinta ayaa soo bandhigay dadaalada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qorshayaasha ku aadan horumarinta laamaha Amniga iyo la wareegidda amniga guud ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo War ka soo saartay Xanuunka Coronavirus & heegan la geliyey..(Akhriso)

Caydiid Ali

Shirkad yaab leh oo laga hirgeliyey waddanka Tunisia iyo shacabka oo ka qeyliyey

Caydiid Ali

Afhayeenka Al-Shabaab oo ka hadlay Weerarkii saaka ka dhacay Gaalkacyo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---