Allbanaadir.com
NEWS

Henry Kissinger oo geeriyooday iyo saameyntii uu ka tagay oo wali la xasuusto

Xoghayihi hore ee arrimaha dibadda Mareyknaka Henry Kissinger, oo ahaa diblamaasi calaamad aanan la tiri karin kaga tagay siyaasadda dibadda Mareykanka isla markaana mar ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize, ayaa xalay geeriyooday isaga oo ay da’diisu aheyd 100 sano jir.

Kissinger, ayaa ku go’ay hoygiisa oo ku yaalla gobolka Connecticut ee dalkan Maryekanka, sida ay warbaahinta u xaqiijisay Xaruntiisa Latalinta Arrimaha Siyaasadda ee Kissinger Associates.

Kissinger, ayaa saameyn weyn ku yeeshay arrimaha siyaasadda caalamka muddo siddeed sano ah oo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda u soo kala noqday, madaxweynayaashi hore ee Mareykanka Richard Nixon iyo Gerald Ford.

Tan iyo marki uu ka baxay siyaasadda, wuxuu wali door ka ciyaarayay arrimaha siyaasadda iyo bulshada Mareykanka. Wuxuu ka qeybgali jiray kulamada Aqalka Cad, bandhigyada buugaagta iyo isaga oo sidoo kale hortagi jiray guddiyada Sanatka oo uu kala hadli jiray khatarta hubka niyukleerka. Bishi July ee sannadkaan 2023-ka wuxuu magaalada Beijing kula kulmay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Dubbe oo si adag uga jawaabay Eedeyntii loo jeediyay Ra’isul Wasaare Rooble

Cabdi Cade

Guddoomiye Tuulax oo ka hadlay weeraradii maanta & tirada ilaalada kaga geeriyootay

Caydiid Ali

Waa Kuma Agaasimihii Awooda badnaa ee dhawaan Xil ka qaadistiisa safka loo galay ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---