Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Xamse oo kulan dadweyne kaga jawaabay Su’aalo xasaasi ah (Daawo Sawirro)

Kismaayo, Nofeembar 29, 2023: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka qeyb galay dood furan oo uu soo qaban qaabiyey Machadka Dooxada Jubba, ayaa uga jawaabay bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo su’aallo la xiriira waxyaabihii u qabsoomay Xukuumadda DanQaran iyo halka la hiigsanayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si qoto dheer uga hadlay Xaaladda Siyaasadda, Dhaqaalaha, Amniga Dalka, ciribtirka A-shabaab gurmadka daadadka iyo arrimo kale oo la xiriira dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in guul laga joogo barnaamijka deyn-cafinta oo Xukuumaddu ay dadaal ku bixisay, sidoo kale xasilinta amniga caasimadda iyo ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika oo fursad u noqonaysa ganacsatada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa tilmaamay muhiimadda ay dalka u leedahay in dastuurka la dhammeystiro, Khawaarijta la ciribtiro iyo in la hormariyo dhaqaalaha dalka si dadka Soomaaliyeed u gaaraan barwaaqo iyo nabad.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA IYO VIDEO-GA

 

Related posts

Itoobiya oo xafiis cusub u sameysay Hub ka dhigista Ururada hubeesan

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo farriin bogaadin ah soo diray ballanqaad cusubna sameeyay

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Masjidka Ugu Weyn Galbeedka Afrika oo si qurux badan loo dhisay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---