Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Milateriga Israel oo Daanta galbeed ku dilay caruur Falastiiniyiin ah

Milateriga Israa’iil ayaa dilay labo carruur ah oo Falastiini ah, kaddib markii ay Arbacadii rasaas ku fureen xerada qaxootiga Jenin oo ka tirsan Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin.

Wasaarada ayaa magacyadooda ku sheegtay Adam Samer Al-Ghoul oo 8 jir ah iyo Basel Sliman Abu Al-Wafa oo 15 jir ah.

Ururka Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegay in ay canug ka soo qaaday degaanka Basateen ee Jenin oo ay geeyeen isbitaal maxalli ah ka dib markii ay toogteen ciidamada Israel, sida lagu sheegay bayaan la daabacday.

Ciidamada Israiil ayaa war ay soo saareen waxay kaga hadleen dhacdadan.

“Maanta intii ciidamadu ay dhaq dhaqaaqyo ka wadeen xerada Jenin, ayaa tiro tuhmaneyaal ah waxay ku tuureen walxaha qarxa gaadiid ay la socdeen askarta, ciidamadu waxay rasaas nool ugu jawaabeen tuhmanayaasha, waana la aqoonsaday.” ayaa lagu yiri warka ciidamada Israel.

Muqaal CCTV ah oo la helay ayaa duubtay canug isku dayay inuu ku dhuunto baabuur ka hor inta aan la toogan oo la arkay isagoo dhulka jiifa. Dabadeed, ilmo kale ayaa u soo dhowaaday, isaga oo isku dayaya inuu dhulka ku jiido.

Muuqaalo badan oo CCTV ah oo ku wareegaya baraha bulshada ee Falastiin ayaa muujinaya wiil labaad oo dhalinyaro ah oo ku sugan Jenin oo shidaya shay aan la aqoonsan ka hor inta aan la toogan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Dowlado badan oo codkooda u ballanqaaday Musharax Fowsiya Yuusuf iyo Raila oo niyad jabay

Cabdi Cade

Al Shabaab oo shaacisay magaca iyo Qabiilka mid kamid ah ragii Weeraray Xerada Xalane

Cabdi Cade

Somalia oo ka qeyb gashay shirka dalalka ku bahoobay COMESA (Sawiro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---