Allbanaadir.com
NEWS

Faahfaahin: Qarax ka dhacay Garowe & Booliska Puntland oo War ka soo saaray

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qarax galabta ka dhacay magaalada Garowe gaar ahaan inta u dhexeysa wadada ka tagta Saldhiga Galbeed ee aada Bixin.

Saddex dhalinyaro ah ayaa la soo sheegayaa iney ku dhaawacmeen qaraxaas kuwaasoo lagu dabiibayo goobaha caafimaadka, Wararka qaar aya sheegaya in qaraxan uu ka dhashay haraaga waxyaabo qarxa oo la isku adeegsaday dagaalkii dhowaan ka dhacay magaalada Garoowe.

Taliska ciidanka Booliska Puntland ayaa qaraxaas iyo waxa sababay ka soo gaaray war kooban oo u qornaa sidan hoose.

“Abaaro 14:30 ayaa 3 dhalinyaro ah oo lagu kala magacaabo 1. Ana’s Ahmed Jaamac,  2. Ahmed Jaamac Cabdi 3. Ayuub   Cawil Cali  waxa ay ku dhaawacmeen xabad nooca loo yaqaan (37) oo ay ku qarqaraaceen agagaarka wadada katagta Saldhiga  Galbeed ee aada  Bixin ee Magaalada Garowe. Waxaana socoda baaris ay wadaan waaxda miina baarista ee Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Gobolka Nugaal ay wadaan Baaritaano dheeri ah oo laxiriirta Dhacdadaas iyo waxa sabababay”

 

Related posts

Qeyb Ka Tirsan Baarlamaanka Galmudug oo Casilay Guddoomiye Gacal (Galmudug Imisa Xildhibaan ayey leedahay?!

admin

Wararkii Ugu Dambeeyay xaalada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde (Sawirro)

Cabdi Cade

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo sheegay iney dacwad Musuq ku soo oogeen 20 Masuul

Caydiid Ali
Taboola Ads ---